Animation

Daawo: Hab maamuuska qurxoon ee madaxweyne farmaajo loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada dalka turkiga ee magaalada ankara

no responses
Wednesday April 26, 2017 - 7:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa waxa auu kulan la qaatay dhiggiisa dalka turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Kulanka waxa uu ka dhacay qasriga madaxtooyada turkiga ee ku yaala magaalada ankara ee dalka turkiga.

Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa maamuus wanagsan loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada iyadoona madaxweynaha uu salaan sharaf ka guddoomay cutubyo ka tirsan ciidamada dalka turkiga.

Labada madaxweynaha ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladdood ee saaxiibada dhaw ah iyo sidii loo xoojin lahaay.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo labo geesood ah, kaasoo Soomaaliya iyo Turkiga ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxiixan doonaan Ankara.

Madaxweyne farmaajo ayaa dalka ka dhoofay markiisa shanaad tan iyo markii xilkaan loo doortay bishii febraayo waana socdaalkiisa ugu horeeya ee uu ku tago guud ahaan qaaradda yurub gaar ahaan dalka turkiga.