Somali News

Daawo: Guddoomiye xaadoole oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday….

Magaalada balcad waxaa maanta ka dhacay munaasabad balaaran oo xil wareejin ah taasi oo ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee dagmada balcad iyo guddoomiyihii hore .

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaana xilkaasi laga qaaday Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkan illaa iyo sanadkii 2014.

Munaasabad balaaran oo xil wareejin ah ayaana maanta ka dhacday dagmada balcad taasi oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta gobolka kan dagmada,waxgarad ,ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Guddoomiyihii hore ee dagmada balcad Maxamed Maxamuud Saney oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in maamulkiisa mudadii uu xilkaan haayay ay waxbadan u qabsoomeen wuxuuna uga mahad celiyay dhamaan dadkii kala shaqeeyay shaqada qaranka ee loo igmaday isagoona kula dar daarmay maamulka cusub in howsha halkeeda uu ka sii wado.

Guddoomiyaha cusub ee dagmada balcad mudane Cismaan Maxamed Xaadoole oo horay xilkaan usoo qabtay ayaa balan qaaday in hormar la taaban karo uu gaadhsiin doono dagmada balcad oo ah dagmo aad iyo aad istaraatiiji u ah sidoo kalana ah dagmo qadiimi ah .

Xafaladaan ayaa waxey noqoneysaa tii ugu horeeyeysay ee ka dhacdaa degmada Balcad tan iyo dowladdii kacaanka aheyd waxaana xafladda xil wareejinta ay kusoo dhamaatay jawi nabdoon.

Related posts

Dhagayo+Sawiro:- Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashadda ee Puntland

admin

War Cusub: Xasan shiikh maxamuud muxuu ka yiri dilkii xalay loo geestay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska cabaas siraaji??

Tifaftiraha K24

Xog: Madaxtooyada oo shirka dhuusamareeb u dirtay $60,000 (lixdan kun)

admin