Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta kormeeray xaruumaha lagu qaaadeyo imtixaanka shahaadiga ah ee ay Qaadeyso Dowlada Fedaraal;ka Soomaliya gaar ahaan wasaarada waxbarashada Xukuumada Soomaliya
Gudoomidiyaha ayaa Booqday sadax xaruun oo ay ka midyihiin Jaamacada Umada schoolka Yaasin Cusmaan iyo Dugsiga farsamada Buula Tigniko.
Gudoomiye thaabit ayaa ardayda ku booriyey in ay ku dadaalaan waxabarashada.
Thaabit wuxuu sheegay in guul weyn ay tahay maanta in dalka oo dhan uu ka bilowdo imtixaan mideysan oo dowladda ay qaadeyso kaasi oo ay u fariisteen in kabadan 23 kun oo arday soomaaliyeed ah kuwaasi oo ka qalin jabinaya dugsiyadda sare ee dalka.