Animation

Daawo: Guddoomiye taabit oo maanta magaalada muqdisho ka sameeyay dhoolatus aan caadi aheyn kadib markii….

no responses
Thursday May 18, 2017 - 7:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaflad Balaaran oo lagu soo dhaweenayay Guddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia ,wasiiro ka tirsan xukuumadda soomalia ,xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka,odayaal,waxgarad iyo qeybaha bulshada rayidka ayaa munaasabadda ka qeyb galay.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa xafladda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoona sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay aaminsanyihiin guddoomiye taabit ayna la shaqeyn doonan.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho oo isna xafladda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qeyb gashay wuxuuna balan qaaday wax qabad iyo in gobolka uu gaarsiiyo horumar la taaban karo.

Halkaan ka daawo khudbadda guddoomiye taabit