Animation

Daawo: Guddoomiye taabit oo balan qaadkii ugu weynaay maanta u sameeyay shaqaalaha dowladda hoose

no responses
Saturday April 22, 2017 - 1:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa Manta Lakulmay Shaqaala Weynaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye taabit ayaa shaqaalaha dowladda hoose ee xamar kala hadlay cabashooyinka ay qabaan iyo tallooyinka ay usoo jeedinayan guddoomiyaha cusub ee gobolka mudane taabit.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan dhici doonin mushaar ama xuquuq mudo bilooyin ah ka maqnaada shaqaalaha gobolka banaadir.

Waxaa uu sidoo kale xusay in uu si cadaalad ah kula dhaqmi doono dhamaan shaqaalaha dowladda hoose aysan dhici doonin nin jecleysin mudada uu joogo xafiiska uu nidaam dowladded ku shaqeyn doono.

“anaga waajibka na saaran hadii aan nahay maamulka dowladda hoose iyo saaxiibada ila shaqeeya waajibka na saaran waxa ay tahay in aan ilaalino qof walboo oo shaqaalo ah xaqqa uu dowladda hoose ku leeyahay in uu helo waa waajib anaga na saaran idinkana waajibka idin saaran waxa ay tahay in aad si hufnaan ah u gudataa xaqqa ay dowladda hoose idinku leedahay” ayuu yiri guddoomiye taabit.

Ugu dambeyn duqa muqdisho wuxuu sheegay in isbuucaan gudahiisa ay ku dadaali doonan in mushaarka shaqaalaha dowladda hoose ay helaan.