Daawo: Guddoomiye Jawaari oo Afka Furtay Soona Bandhigay Sababta ay Isugu dhaceen Isaga iyo Kheyre

0

Guddoomiyaha golaha shacabka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaciyay in mooshinkii maalmahan socday uu soo abaabulay Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre.

Jawaari wuxuu cadeeyay in uu jiro khilaaf isaga iyo kheyre u dhaxeeya balse kheyre uu doonaayo in uu kala diro baarlamaanka oo uu khalalaaso ka dhex abuuro xildhibaanada baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay jawaari in khilaafka uu ka dambeeyay markii uu isaga diiday in uu saxiixo arin uu kheyre usoo bandhigay taasna ay keentay in xukuumaddu mooshinka ka keento isaga.

Ciidamada la wareegay xarunta golaha shacabka ayuu sheegay in uu soo diray R/wasaare kheyre isagoona ka digay wixii dhib ah oo ka dhasha in mas’uuliyaddeeda uu dusha u ridanaayo xasan cali kheyre.

Daawo:Shirka jaraa’id qodobo xasaasi ah ayuu uga hadlay guddoomiye jawaari