Daawo: Guddoomiye Jawaari” Mooshinkii ay Xildhibaanada keeneen wuu Bur buray Maanta Wixii ka Dambeeya waa in….”

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka qeyb galayay Kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay mooshinkii laga gudbiyay.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in mooshinkii uu dhamaaday,isla markaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Maanta muujiyeen Dimuqraadiyad iyo dowladnimo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maalinta Sabtida ah wixii ka dambeeya Golaha Shacabka Soomaaliya ay geli doonaan Shaqooyinkooda caadiga ah,lona baahan yahay in ay is cafiyaan.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka