Daawo: Magaalada Dhuusamareeb oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo…

0

Munaasabadaan oo ahayd mid lagu soo dhawaynayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareb ee caasimadda Galmudug, waxaana ka soo qaybgalay Madaxwene kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Xildhibaanno, Wasiiro iyo qaybaha Bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusaamreb Macallin Nuur Cilmi Cabdulle oo ugu horayn Munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Bulshada lagu hogaamiyo siyaasad fur furan oo sahleysa in la helo fursado dadku ay ka faa’iideystaan.

Xildhibaan Safiyo Cabdulle iyo Xildhibaan Maxamed C/qaadir Xaashi (Dholodholo) ayaa halkaasi ka hadlay waxayna soo dhoweeyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo ay kula dar daarmeen in uu ka shaqeeyo hirgelinta heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna.

Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu xusay in guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadu ay u yimaadeen ka qayb qaadashada dhamaystirka heshiiskii lagu soo gaaray Jabuuti, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray inaysan Bulshada Galmudug Xiligaan u baahnayn khilaaf hor leh.