Somali News Top News

Daawo: Golaha wasiiradda jubbaland oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn maxaase looga hadlay???

Kismaayo, Jubbaland (6 April, 2017)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyaya kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumada.

Sidoo kale labada Madaxweyne ku xigeen ayaa kulanka goob joog ahaa iyadoo lagaga hadlay qodobo kala duwan,

Arimaha amaanka iyo abaaraha ayaa si gaar ah kulanka maanta diirada loogu saaray iyadoo Madaxweynahu uu sheegay in deegano katirsan Jubbaland oo abaar ba’an ay ka jirtay ay roobab lagu diirsaday ka da’een balse taas ayna noqonaynin wax si deg deg ah dadka duruufta haysata uga qaadi kara oo wali kaalmo loo bahan yahay.

Gudiga gurmadka abaaraha Jubbaland ayuu ku amaanay dadaalka ay sameeyeen isagoo ku booriyay in hawsha ay sii laban laaban si dadka dhibaataysan loogu gurmado.

Meelaha qaar ayuu Madaxweynahu xusay in laga yaabo hadii roobab badan ay ka da’aan ay macquul tahay in fatahaad uu sameeyo wabiga Jubba dadka halkaas ku noola looga baahan yahay in ay jawiga la socdaan si ayna dhibaato u gaarin.

Dhinaca amaanka ayuu Madaxweynahu cadeeyay in hawlgalada nabadgalyada lagu sugayo ay yihiin kuwo dan u ah bulshada iyo guud ahaan dadka oo dhan loona baahan yahay in loo dulqaato si aan dhibaatada cadawgu u gaarin bulshada oo aanay waxyeelo u gaarsiin.

Dadweynaha ayuu madaxweynahu ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin Hay’adaha amaanka oo ay ula shaqaynayaan taas oo uu sheegay in Kismaayo iyo magaalooyinka kalaba ay ka dhigtay kuwo lagaga daydo amaanka iyo nabadgalyada.

Labada Madaxweyne ku xigeen ayaa Golaha u sharaxay kormeer ay maalmahan ku samaynayeen Xarumaha Wasaaradaha oo ay ugu kuur galayeen sida ay shaqadu u socoto isla markana ay natiijooyin fiican ka muuqdan sida ay hawlaha Wasaaradahu u socdaan.

Mar kale Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in la ilaaliyo xiliyada shaqada si aysan gaabis ugu iman hawlaha Dowlada iyo adeega Bulshada loo hayo.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DAWLADDA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Related posts

SAWIRRO: Wabiga Jubba oo Fatahaad ku sameeyey deegaanka.

admin

Dhageyso: Xildhibaan Mataan oo ka hadlay arrimaha mooshinka iyo xaaladda Xamar

admin

Madaxweyne kuxigeenka galmudug oo ciidamo lagu wareejiyay

admin