Somali News Top News

Daawo: Golaha Wasiirada Jubbaland oo loo gudbiyay Laba Hindise Sharciyeed oo Xasaasi ah

Kismaayo, Jan, 25, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Golaha waxaa maanta loo qabiyay Laba Hindise Sharciyeed oo kala ah Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha Ra’yidka ah iyo Hindise sharciyeedka dhismaha gudiyada Shaqaalaha Ra’yidka ah kaas oo uu soo diyaariyay Komishinka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland.

Labadan Hindise Sharciyeed waxaa kale oo weheliya Xeer hoosadyada uu ku shaqaynayo Komishinka kuwaas oo golahu ay soo akhrin doonan kadibna loo gudbin doono Golaha Shacabka Jubbaland.

Sidoo kale golahu wuxuu warbixin la xiriirta shaqada Wasaaradaha ee Sanadkii tagay ka dhagaystay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlada iyadoo inta dhimana lagu booriyay in fadhiyada kale ee golaha ay keenan.

………..DHAMAAAAD……….

Related posts

Daawo: Qaabka oo u dhacay qaraxii ismiidaaminta ahaay ee lagu dhuftay gaari uu la socday taliyaha cusub ee….

Tifaftiraha K24

Dooda Amniga Muqdisho Ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maalintii Labaad gashay

admin

Al-shabaab oo Maxaabiis ka sii daayey xabsiyo Baay iyo Bakool ku yaala, iyadoona………….

admin