Animation

Daawo: Golaha Abwaaniinta Soomaliyeed oo Maanta War Lama Filaan ah ka sheegay Duleedka Magaalada Galkacyo oo Labada Ciidan Weli isku Horfadhiyaan

2 responses
Friday November 18, 2016 - 10:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Golaha abwaanada Somalia ayaa maanta Booqasho Lug ah ku tagay Duleedka Magaalada Galkacyo oo ah Halka ay ku dagaalameen Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Abwaaniinta soomaliyeed Abwaan Xirsi dhuux ayaa Shaaciyay in Guud ahaan Magaalada Gaalkacyo ay socod ku mari doonaan iyaga oo wata Calanka Nabadda islamarkaana kaashanaya Bulshada Labada Maamul ku abtirsata.

Sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in weli aysan jirin Ififaale muujinaya kala qaadista Ciidamada is hor fadhiya,balse Madaxda Labada Maamul iyo Guddiyada labada dhinac ay wadaan dadaalo lagu kala qaadayo Ciidamada Magaalada isku hor fadhiya.

Golaha Abwaaniinta ayaa Booqasho ku tagay Deegaan lagu Magacaabo Xaar oo ay ku suganyihiin Qoysaskii ka Barakacay Magaalada Galkacyo.

Abwaanada ayaa Barakacayaasha Goob Fagaaro ah kula hadlay waxayna u Balan qaadeen in Goordhaw Magaaladooda ay kusoo Laaban doonan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

received_352165085138473-768x1024 received_352165181805130-768x1024 received_352165251805123-768x1024 received_352165345138447-768x1024 received_352165401805108-768x1024 received_352165485138433-768x1024 received_352165555138426 received_352165621805086 received_352165648471750