Animation

Daawo: General koofi iyo wafdi laanta socdaalka ka tirsan oo dalka norway u tagay in dowladda dalkaasi ay…..

no responses
Thursday May 25, 2017 - 3:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dalka Norwey waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda soomalia waxana ay kulamo la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadda, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo Basaboorka.

Labada dhinac Soomaliya iyo Norwey ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.

Dhinaca kale wifdiga ayaa booqdey Xaruunta Kaarka aqoonsiga qaranka Norway oo ah xaruun hubisa saxnimada dukumentiyada isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xaruumaha laga maamulo socdaalka Norway iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada. Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah.

Wafdigan uu hogaaminayo Agaasimaha guud HSJ aya maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.