Animation

Daawo: Garaashkii lagu diyaariyay Qaraxii Maanta lagu Baaba’ay ee ka dhacay Suuqa Beerta Iyadoo Taliyaha NISA uu sheegay in….

no responses
Saturday November 26, 2016 - 9:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow ayaa warbaahinta u sheegay  in ciidamada NISA ay la wareegeen garaash ku yaala nawaaxiga isgoyska Black sea ee degmada Hodan Halkaasi oo lagu soo diyaariyay Gaari Maanta isku qarxiyay suuqa Beerta ee Dagmada Waabari.

General Gaafow Waxaa uu intaa ku daray in xogta garaashkan ku saabsan iyo macluumad kale laga helay ninkii waday gaariga maanta ku qarxay Suuqa beerta oo ciidamada dowladu ay ku qabteen meel ku dhow goobti uu qaraxu ka dhacay xili uu isku dayeyey inuu baxsado.

“Baaritaanada weli wey socdaan, xog badan ayaan heynaa, dhamaan shaqsiyaadkii ku lug lahaa qaraxan waan ku raad joognaa cidankuna shaqo fiican ayey hayaan” ayuu yiri Jen. Gaafow.

Dad ka badan toban ruux ayaa ku geeriyooday, Tiro 30 ka badanna way ku dhaawacmeen, ka dib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaw waddo laga galo garoonka Dayuuradaha Magaalada Muqdisho.

fb_img_1480195690319 fb_img_1480195691931 fb_img_1480195693644Xuquuqda Sawirrada Waxaa Iska leh Abdi Aziz Afrika