Animation

Daawo: Ganacsade u Dhashay Dalka Sweden oo Amaanay Qeyraadka Jubbaland kadib Maalmo uu kismaayo ku sugnaay

no responses
Monday October 17, 2016 - 4:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

John Hanselisrrom oo ah ganacsade u dhashay dalka Sweden oo saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa u riyaaqay nabadda iyo horumarka ka socda Jubbaland.

John waxa uu qiimaynaayey in dhulka Jubbaland lagu samayn karo maalgashi iyo in kale wuxuuna kulamo la qaatay masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo wershedaha Jubbaland ee JCCI iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

John Hanselisrrom waxa uu maanta qabtay shir jaraa’id wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyey wixii uu la kulmay muddadii uu joogay Jubbaland.

John waxa uu sheegay in dhulka Jubbaland uu isku darsaday nabadgelyo iyo barwaaqo wuxuuna ganacsatada ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan kheyraadka Jubbaland oo ay maalgashadaan.

Si gaar ah waxa uu ugu baaqay ganacsatada reer Yurub in ay maalgashadaan dhulka Jubbaland maadaama uu sheegay in uu yahay dhul lagu aamini karo hanti.

Mudane Shaafi Raabi Kaahin oo kaalin weyn ku lahaa imaanshaha ganacsade John Hansellsrom ee Jubbaland ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan sidii dhulka Jubaland u heli lahaa maalgashi caalami ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

1 3 john2