Animation

Daawo: Galmudug oo yeelaneysa xarun cusub oo baarlamaanka uu ku shaqeyn doono yaase mashruucaasi maal galinaayo??

no responses
Wednesday June 14, 2017 - 4:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka galmudug maxamad xaashi carabey ayaa maanta waxa uu cadaado ka dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisaayo baarlamaanka maamulka galmudug.

Xaruntaan ayaa waxaa ay noqoneysa mid ay ku shiri doonan xildhibaanada baarlamaanka maamulka galmudug.

Mashruuca lagu dhisaayo xaruntaan waxaa gacan ka geesaneysa hey’adda UNDP waxaana hey’addu ay galmudug ka fulisay mashaariic waxtar leh.

Madaxweyne ku xigeenka galmudug oo munaasbadda ka hadlaayay ayaa sheegay in xaruntaan cusub ay noqon doonto mid waxbadan ka tari doonta kalfadhiyada baarlamaanka galmudug.

Sidoo kale waxaa munaasabadda dhagax dhiga xaruntaan cusub ee loo dhisaayo baarlamaanka galmudug ku sugnaay  wasiir ku xigeenka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Ilkacase.