Somali News Top News

Daawo: Galmudug oo maanta ku dhaqaaqday arin ay aad usoo dhaweeyeen maamulka puntland xili lagu….

Taliska ciidanka booliska maamulka galmudug ayaa maanta puntland ku wareejiyay rag tuugo ah iyo gaari ay ka soo dhaceen wuqooyga magaalada galkacyo oo puntland ay maamusho.

Ragaan maanta lagu wareejiyay maamulka puntland ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska galmudug iyaga iyo gaari ay ka soo dhaceen wuqooyga magaalada galkacyo ee puntland ay maamusho.

Taliye xigeenka Ciidamada Boolska Galmudug Col-Cabdi Jaamc Cabdulle xabeeb ayaa sheegay in ragaan ay u kala dhasheen deegaanada galmudug iyo puntland isagoona intaa ku daray in puntland ay ku wareejin doona raga deegaanaddooda ka soo jeeda kuwa galmudug kasoo jeedana la maxkamadeyn doono.

Labadaan nin ayaa Gawaarida kasoo dhici jiray degaanada Puntland ,waxaana ay ka iibsan jireen dad ku sugan degaanada Galmudug sida uu sheegay taliyaha booliska galmudug.

Sidoo kale taliyaha booliska qeybta puntland Cismaan Xasan Cuuke ayaa galmudug uga mahad celiyay sida ay howshaan isugu xil qaameen .

Waxaana uu sheegay in ay in ay daliil cad u tahay wada shaqeynta ka dhexeysa labada maamul.

Xiriirka ka dhaxeeya maamulada galmudug iyo puntland ayaa soo hagaagaya maalmihii ugu dambeeyay kadib markii horay ay labada maamul ugu dagaalameen magaalada galkacyo.

Dhageyso cod+Sawirro

 

Related posts

Warbixin: Madaxweyne Farmaajo maka dhabeyn doonaa ballanqaadkii uu sameeyay?

Tifaftiraha K24

Ciidamada Liyii Boolis oo si arxan darro ah u dilay gabar ku nool magaallada Qabri dahare

admin

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

admin