Animation

Daawo: Galmudug oo loo gacan galiyay lacago gaaraya 150-kun oo dollar maxaase lagu qaban doona?

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 4:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka galmudug ayaa waxaa lagu wareejiyay lacag loogu tala galay in loogu gurmado dadka ay abaarta saameysay ee ku nool deegaanada galmudug.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa lacag gaareysa boqol iyo konton kun dollar ku wareejiyay maamulka galmudug taasi oo wax looga qabanaayo abaarta deegaanadaasi ka taagan.

Lacagtaan waxaa guddiga ka gudoomay madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamad xaashi carabey isagoona xubnaha guddigan uga mahad celiyay lacagta ay soo gaarsiiyeen.

Xaashi carabey waxa uu sheegay in lacagtaan sida loogu keenay ay ugu wareejin doonan guddiga gurmadka abaaraha ee galmudug.

Wasiirka gargaarka bini aadanimada iyo daryeelka naafada Galmudug Shiire Xirsi maxamuud ayaa sheegay in abaarta ka jirta Galmudug ay tahay mid si siman uga jirta dhamaan deegaanada hoos yimaada maamulka

Batuula shiikh axmad gaballe gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Somaliya kana mid ah xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegtay in lacagtaan ay galmudug ku wareejiyeen aysan ku filneyn deegaanada ay abaartu sameysay waxaana ay dalbtay si wada jir ah looga qeyb galo gurmadka abaaraha.

Galmudug waxa ay kamid tahay deegaanada ay sida daran u saameeyeen abaaraha ku dhuftay wuqooyga koonfurta iyo bartamaha soomalia waxaana abaarta ku barakacay qoysaskii reer guuraaga ahaa iyo xoola dhaqatadii ku nooleyd deegaanada galmudug.

Halkaan ka daawo sawirrada