Somali News Top News

Daawo: Galmudug oo cafis u fidisay ajaanib horay loogu xukumay lacag dhan 60 kun oo dollar kadib markii ay….

Maamulka galmudug ayaa maanta sheegay in ay cafiyaan muwaadiniin u dhashay dalka yaman oo kaluumeysi sharci daro ah lagu soo qabtay.

Afar ruux oo u dhalatay wadanka yaman ayaa horay looga qabtay xeebaha galmudug iyagoo si sharci daro ah uga kaluumeysanaayay waxaana maxkamad ku taala magaalada galkacyo ay ku xukuntay lacag gaareysa 60 kun dollar.

Bad-maaxiyiintaan ayaa mudo ku jiray gacanta galmudug waxaana maanta ay shaacisay in cafis loo fidiyay afarta ruux ee yaman u dhashay kadib markii wada xaajood mudo socday uu dhexmaray dowlada yaman iyo maamulka galmudug.

Galmudug waxa ay sheegtay in ragaan lagu wareejin doono dowlada yaman wadankooda loo musaafurin doono.

Halkaan ka daawo sawirrada bad-maaxiyiinta lasii daayay.

Related posts

Maamulka Degmada Baardheere oo Dhagax dhigey Afar Mashruuc oo lagu horomarinayo Deegaanka(Dhageyso+Sawwiro

admin

Warbixin: Yaa hanan doono hoggaanka dalka ee maanta la isku hayo?

Tifaftiraha K24

Top News: Affey Oo Kismaayo Gaarey, Iyo Sidoo Kale Magaaladda Oo…………………

admin