Somali News Top News

Daawo: Galmudug oo arin lama filaan ah ku sameysay wasiir ku xigeen ka tirsan maamulka puntland

Ciidamada ammaanka maamulka galmudug ayaa gacanta ku dhigay nin tuug ah oo gaari kala soo baxsaday deegaanada puntland kadibna doonayay in uu ka iibsado dhanka galmudug.

Gaarigaan ay ciidanka ammaanka galmudug qabteen ayaa waxaa iska leh wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka galmudug Farxiyo yuusuf xirsi.

Gaariga ayaa waxaa dhanka puntland laga soo dhacay mudo seddex maalmood ka hor waxaana lala soo galay dhanka galmudug oo la doonayay in lagu iibiyo si suuq madoow ah.

Salaadiinta iyo waxgaradka puntland ayaa kusoo warglaiyay hey’addaha ammaanka galmudug gaarigaan laga soo dhacay wasiirk ku xigeenka wasaaraddaha haweenka puntland ee lala soo galay deegaanada galmudug waxaana ciidanka booliska galmudug ay ku dhaqaaqeen howlgal lagu baadi goobaayo gaariga iyo ninkii lasoo dhuuntay waxaana u suurta gashay ciidanka booliska in si nabad galyo ah ay gacanta ugu dhigaan ninka gaariga lasoo baxsaday oo darawal u ahaay wasiir ku xigenka wasaaradda haweenka puntland Farxiyo yuusuf xirsi.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan gaariga lasoo dhacay iyo ninkii watayna maantana ay ku wareejiyeen wasiir ku xigeenka gaariga milkiyadiisa laheyd .

” Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa” ayuu taliyaha u sheegay warfidiyeenka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka puntland Farxiyo yuusuf xirsi ayaana dhankeeda uga mahad celisay taliska booliska galmudug ee kusoo wwargaliyay in gaarigeeda oo nabad qaba ay ciidanka soo qabteen laguna wareejiyay furaha gaarigeeda waxaana ay sheegtay in galmudug ay ku amaanantahay ka hortagista falalka noocaan oo kale ah waxaana ay ku baaqday in labada maamulba ay iska kaashadaan in laga hortago falalka tuuganimada ah .

 

Related posts

Al-shabaab oo xalay dhacdo layaab leh ka fulisey Degmadda Luuq Ee Gobalka Gedo.

admin

AKHRISO:- Xildhibaanad Khadiijo Diiriye, oo si kulul uga hadashay Mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaari

Ahmed sudani

Muuqaal: Maxaadan Ogeyn Oo Uu Madaxweynaha Galmudug Uu Muqdisho Ka Sameyey???

Tifaftiraha K24