Animation

Daawo: Galmudug oo Arin aad u Wanagsan u Sameysay Qoysaskii ka Barakacay Colaada Magaalada Galkacyo

no responses
Sunday October 23, 2016 - 1:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Soddon kun oo Qoys oo ka barakacay Magaalada Galkacyo kuna sugan Deegaanada ku dhaw Magaalada ayna heysato dhibaatooyin la xariira dhanka adeegyada aas aaska u ah nolasha bini aadamka ayaa waxaa Maamulka Gobalka Mudug ee Maamul-goboleedka Galmudug ay biyo dhaamin u sameeyeen ku dhawaad kun qoys oo ku sugan tuulada Carfuuda oo 30 km dhanka waqooyi bari kaga began Magaaladaasi.

Goobta ay dadku ku barakaceen ayaa waxaa kormeer ku tageen Masuuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamul-goboleedka Galmdug C/rashiid Xaashi Cartan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay dhibaatooyinka xilligaan heysta qoyasaska barakacay iyo biyo dhaaminta ay u sameeyeen.

“Dadka aan deegaanka ugu nimid iyo waxa aan wadno waa wax kala tira
badan kumanaan qof oo yaala deegaanka geedaha hoostooda oo ah dadkii
reer Magaalka ahaa, runtiina waa arrin fool xuma ah, waxaan ku qasbanahay in meel kasta aan kormeerka ku tagno si aan uga warqabno dadka xaaladahooda waxaan baaq calami ah u jeedineynaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh samafalka, waxaan u nimid kumanaan qof oo aan heysan xataa wax ay qoraxda iyo roobka kaga gambadaan, ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhinaca kale C/rashiid Xaashi Cartan ayaa ku baaqay in loo wada istaago daminta colaadda iyo dagaalada ka jira Magaalada Galkacyo, wuxuuna yiri “waxaan ugu baaqayaa dhammaan Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug in nabad looga shaqeeyo deegaanka islamarkaana noqono dad nabada iyo daganaanta ay u haboon tahay”

Qaar ka mida dadka ku barakacay Deegaankaasi Carfuuda oo Warbaahinta Qaranku ay wax ka weydiisay xaaladooda nolaleed iyo dhibaatooyinka heysta ayaa ka warbixiyay saameeynta ay nolashooda ku yeelatay
barakacu, iyagoona ka mahad celiyay biyo dhaaminta iyo gurmadyada kale ee loo sameeynayo.

biyo1 biyo4 biyo6-1 biyo5 biyo3 biyo2