Animation

Daawo: Furitaanka Shirka Jowhar iyo Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay

no responses
Thursday September 15, 2016 - 2:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Maanta furay shirka maamul u samaynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ay gogoshiisu taallo magaalada Jowhar.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad dheer ka jeediyay  ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay in la helo maamul ay ku mideysan yihiin labadan gobol, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana la is kaashado.

“Dowladu waa fududeeye waa sharciyeeye iyo in ay goob joogka ahaato dhismaha maamulka, qofkii aan rayiga dadka kale tixgelineynin ogaada kiisana lama qaadanayo,” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa  sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay in ay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax kasta oo la bilaabayo ay dhibaato badan leeyihiin, hase ahaatee loo baahan yahay dulqaad, isagoo tusaale u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamulada hadda jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maamullada  hadda jira qudhooda aysan dhameystirneyn,laguna howlan yahay sidii loo ebyi lahaa, wuxuuna ujeeddada ka dambaysay in la hirgelyo uu ku sheegay in la helo maamul, sidaas oo kalena loo baahan yahay in wax la billaabo si dhameystir loo gaaro.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in sida dadka qaar ay aamisan yihiin uu madaxweynuhu dan gaar ah ku qabo dhismaha maamulkan, hase yeeshee taasi tahay mid aan sal la heyd.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dhismaha maamulkan wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka oo kaashanaysay Urur goboleedka IGAD oo howshan fududeeye ka ah.

Bishii Augusto ee sanadkii 2015-ka, ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay hindisaha in maamul wadajir ah loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Sh/ dhexe, iyadoo wixii markaas ka dambeeyayna howsha maamulka loogu unkayo labadan gobol uu soo socday,waxaana la filayaa in dhawaan lagu dhamaystiro magaalada Jowhar maamulka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Khudbada Madaxweynaha

shirka-jowhar-2 shirka-jowhar-5 shirka-jowhar-6 shirka-jowhar-8 shirka-jowhar-12 shirka-jowhar-14 shirka-jowhar-15 shirka-jowhar-16 shirka-jowhar-17 shirka-jowhar-18

Facebook Comments