Daawo: Faysal Cali waraabe oo sheegay in Xasan shiikh iyo Siilaanyo ka wada hadleen heshiiska dekedda Berbera

0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ahna ninka ugu mayalka adag maamulka soomaliland Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu hadda shaaciyay in Heshiiska dekedda Berbera laga soo saxiixay magaallada Muqdisho isagoona meesha ka saaray Beeninta iyo sheegashada maamulka soomaliland uu dadkiisa u sheegay In heshiiska kaliya ay galeen soomaliland iyo Imaaraat dowladda soomaliyana aysan wax shaqo ah ku laheyn.

Eng Waraabe wuxuu sheegay in heshiiska uu waxbadan soo jiitamaayay markii dambana ay isku afgarteen madaxweyne xasan shiikh iyo hogaamiyaha maamulka soomaliland Axmad Siilaanyo wuxuuna sheegay in isaga laftiis uu goob joog ka ahaa heshiiska labada dhinac ay wada saxiixeen.

Muddo 9 bilood ah ayuu sheegay in heshiiska uu soo jiitamaayay waxaana dhanka soomaliland heshiiska u saxiixay Wasiirkii Arrimaha Dibada Soomaaliland.

Halkaan Hoose ka daawo Muuqaalka