Animation

Daawo: Farmaajo oo xalay balan qaad aan caadi aheyn u sameeyay guddoomiyeyaashii hore ee dagmooyinka gobolka banaadir

no responses
Sunday June 11, 2017 - 9:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyadda Villa Somalia ku qaabilay qaar kamid ah gudoomiyaashii hore ee dagmooyinka gobolka banaadir ee xilalkii dhawaan laga qaaday.

Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaashii xilalka laga qaaday ayaa yeeshay kulan ah is xog wareysi waxaana uu socday mudo daqiiqado ah .

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka mahad celiyay afurka uu Madaxweynaha u sameeyay, iyo sida wanaagsan uu u soo dhoweeyay.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu u balan-qaaday in Wasaaradaha dowladda laga shaqaaleyn doono, isla markaana CV-gooda u soo gudbiyaan, si qof walba meesha uu ku wanaagsan yahay loo geeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka, shaqadii ay qaranka u soo qabteen.

 

Ugu dambeyn farmaajo ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaashii hore ee xilalka laga qaaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyeyaasha cusub ee iyaga lagu bedelay.