Animation

Daawo: Farmaajo oo taageeradii ugu weyneyd ka helay maamulka gobolka banaadir kadib markii maanta ay….

no responses
Saturday February 11, 2017 - 11:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Barxada weyn ee daljirka daahsoon waxaa maanta ka dhacay banaanbax xoogan oo lagu soo dhaweynaayo madaxweynaha cusub ee soomaliya maxamad c/llahi farmaajo.

Dibad-baxaan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka banaadir iyadoona ay ka soo qeyb galeen boqolaal ruux oo isaga kala yimid dhamaan dagmooyinka gobolka banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa shacabka kala qeyb galay dibad-baxaan waxaana ugu horeeya guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho yuusuf xuseen jimcaale ( Madaale) iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka banaadir.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho yuusuf xuseen jimcaale oo fagaaraha daljirka daahsoon kula hadlay boqolaal shacab ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Guddoomiye madaale waxaa kaloo uu baaq cod dheer ah madaxweynaha uga codsaday inuu u istaago sidii gpbolka banaadir xaqiisa u heli lahaa isagoo soo hadal qaaday madaxdii hore ee dalka in ay indho  saabteen xuquuqda dadka ku nool gobolka banaadir ay ku leeyihiin siyaasadda.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaale ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka caasimadda iyo wadooyinka u xiran hey’addaha dowlada iyo safaaradaha dowladaha shisheeye iyo hotelada muqdisho isagoona ka dalbaday in ay ka qaadaan dhagxaanta ay laamiyada ku ooteen.

“Dhagax iyo caro aad meel ku xirato ammaan kuu sugi meyso wixii kuu qorana kaa celin meyso ee dadku yaan la dhibin wadooyinka u fura” ayuu yiri madaale.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne farmaajo waxaa magaalada muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ka dhacayay banaanbaxyo waaweyn oo lagu soo dhaweynaayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada soomaliya maxamad c/llahi farmaajo.

Halkaan ka dhageyso codka duqa muqdisho.

 

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.