Animation

Daawo: Farmaajo oo Iska diiwaan galiyay Xarunta Guddiga Doorashada Fariin Codsi ahna u diray Xildhibaanada

no responses
Saturday January 28, 2017 - 1:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xarunta Guddiga Doorashada Madaxweynaha waxaa Maanta si Rasmi ah isaga diiwaan galiyay Musharax Madaxweyne Maxamad C/llahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa buuxiyay dhamaan shuruudaha laga rabo Musharax Kasto oo u tartamaya Xilka Madaxweynaha.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaana Shahaadooyinka Cadeynaya in Farmaajo uu Xilkaan u tartami kara siiyay Musharaxa.

Musharax kasta waxaa laga rabaa Lacag gaareysa 30.kun oo dollar iyo in uu buuxiyo Sharuudaha horay loo sheegay.

Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Maanta uu Iska diiwaan galiyo Xarunta Gudiga Islamarkaana uu helo Shahaadada Ogolaanshaha Tartanka.

” Waxaan maanta guddoomay shahaadadii musharaxnimada madaxweyne, waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa in 8-da Febraayo ay heli doonaan isbedel kheyr ugu jiro Danta Dalka iyo Dadka” ayuu yiri Musharax Farmaajo.

Hadal uu siiyay telefeshinka Qaranka (SNTV) ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu is diiwaan galiyo,wuxuu sidoo kale fariin u diray shacabka iyo gollaha Baarlamaanka isagoo muujiyay inuu ku kalsoon yahay inay codkooda siin doonaan shaqsiga ku habboon xilka madaxwaynaha.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada