Animation

Daawo: Farmaajo oo garoonka diyaaraddaha ugu tagay taliyaha ugu sareeya ciidamada mareykanka ee qaaradda afrika

no responses
Monday May 1, 2017 - 11:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM Gen. Thomas Waldhauser.

Kulanka wuxuu ka dhacay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho waxaana madaxweynaha kulankaan ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka iyo Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka soomalia.

Geesta kale taliyaha ciidamada mareykanka ee qaaradda afrika Gen. Thomas Waldhauser, waxaa isagana kulankaan ku wehlinaayay danjiraha mareykanka u fadhiya soomalia Stephen M. Schwartz, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan AFRICOM.

Kulanka waxa uu ahaa mid albaabada u xiranyihiin oo aaney warbaahinta goob joog ka aheyn waxaana la sheegay in looga hadlay dagaalka ka dhanka ah alshabaab iyo weeraro dhanka cirka ah oo ciidamada mareykanka ee qaaradda afrika ay isku diyaarinayaan in ay ka fuliyeen deegaanada ay shabaab ku suganyihiin.

Arimaha ammaanka mandiqada ayaa sidoo kale kulanka looga hadlay waxaana taliyaha mareykanka ee AFRICOM uu sheegay in mareykanka ay ka go’antahay gacan siinta dowladda federaalka iyo la dagaalanka alshabaab.

Tegista madaxweynaha ee Garoonka Muqdisho si uu ula kulmo wufuud Mareykan ah ayaan ahayn markii koowaad, waxaana madaxweynaha balanqaadyadiisii ka mid ahaa in arrintan uu joojin doono, laakiin waxaa muuqata in Mareykanka aanu ku jirin.

Farmaajo ayaa buriyay inta badan dhamaan balan qaadyadii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olahii doorashada madaxweyne waxaana farmaajo uu sidoo kale maalinta arbacada ah booqan doona dalka itoobiya maadama halkaasi looga yeeray.