Animation

Daawo: Farmaajo oo booqasho taariikhi ah ku tagay Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

no responses
Tuesday June 6, 2017 - 4:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay Dowlada Federaalka ah isagoo ugu danbayn sheegay in Dowlada Federaalka ah laga sugayo in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan .

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Dowlada Federaalka ah ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markana ay hawlgali doonan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha, oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka ah, Xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.