Animation

Daawo: Farmaajo iyo midowga yurub oo ku heshiiyay arin cunaqabateyn ku noqon karta maamul goboleed-yada

no responses
Sunday May 28, 2017 - 10:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Midowga yurub waxa uu soomalia ku bixiya dhaqaalo aad u badan oo lagu bixyo mashaariic kala duwan oo midowga yurub soomalia uu ka fuliyo.

Dhaqaalaha midowga yurub uu ku bixiyo mashaariicda horumarineed ee dalka soomalia waxaa marka hore si toos ah u maamuli jiray midowga yurub oo saxiixa ugu dambeeya laheyd balse hada wixii ka dambeya dowladda federaalka ayaa la wareegeysa maamulidda mashaariicda midowga yurub ee soomalia.

“Mashaariicda ay Midowga Yurub ku bixiyaan dowlad wanaagga, horumarinta iyo gargaarka Soomaaliya waxaa maanta wixii ka dambeeya maamuli doona Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Qorsheynta, Waan uga mahadcelinaynaa Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dowlad dhisidda Soomaaliya.” ayuu yiri wasiirka qorsheynta xukuumadda soomalia Jamaal Maxamed Xasan.

Heshiiskan waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka  Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha  guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub , waxaana goob joog ka ahaa  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub  ee Soomaaliya .

Halkaan hoose ka daawo heshiiska 

 

Facebook Comments