Somali News Top News

Daawo: Farmaajo iyo kenyatta oo ku heshiiyay :- in duulimaad toos ah uu bilowdo muqdisho iyo nairobi in la furo xadka labada dal iyo…..

Madaxweynayaasha soomaliya iyo kenya oo maanta kulan ku yeeshay madaxtooyada looga arimiyo dalka kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo xasaasi ah.

Kulanka labada masuul kadib ayaa waxa ay si wadajir ah warbaahinta ugula hadleen aqalka madaxtooyada iyagoona sheegay in soomaliya iyo kenya ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah iyadoona madaxweynaha kenya uhuru kenyatta uu shaaca ka qaaday in dhiggiisa dalka soomaliya maxamad c/llahi farmaajo ay isku afgarteen dhamaan qodobbadii ay ka wada hadleen.

Qodobada ay labada madaxweyne isku raceen kuna heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah:-

1- In la isku furo xuduuda Buulo Xaawo iyo Dhoobley, si ay shacabka labada dal isu kala gooshaan.

2- in Mudo laba todobaad gudahood ah ay si toos ah u bilowdaan duullimaadyo toos ah oo muqdisho iyo nairobi oo aaney duulimaadyadda soomaliya ka imaanaya aysan mari doonin wajeer.

3- In Muwaadiniinta heysta baasaboorada Service iyo Diplomatic ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaraddaha dalka Kenya oo aaney u baahneyn in visaha in visaha marka hore loo soo saaro.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo kale oo ay kamid yihiin dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.

Madaxweynaha kenya oo ka hadlaayay shirka jaraa’id ayaa u mahad celiyay dhiggiisa soomaliya booqashadda uu dalka kenya ku yimid isagoona sheegay in soomaliya iyo kenya ay yihiin laba dal oo daris ah islamarkaana uu ka dhaxeeyo xiriir soo jreen ah .

Madaxweyne maxamad c/llahi farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha kenya ay ku heshiiyeen qodobo soomaliya iyo soomaalidaba ay dan weyn ugu jirto oo ay ugu weyntahay arimaha socdaalka isku furidadda xuduudaha labada dal si shacabka labada dal ay magaallooyinkaasi isaga kala gudbaan.

Madaxweyne farmaajo wuxuu sheegay in kenya ay tahay dal daris la’ah soomaliya xiriir wanagsanna uu ka dhaxeeyo soomalia isagoona shaaciyay in dowladdiisa ay si wanagsan ula shaqeyn doonto dowladda kenya.

Madaxweynaha wuxuu kenya uga mahad celiyay sida ay u marti galisay qaxootiga soomaliyeed ee dalkooda ka soo cararay xiligii dagaallada sokeeye ay dalka ka socdeen waxaana uu sheegay in soomaliya ay kenya abaal uga heyso muwaadiniinta soomaliyeed ee dalkeeda ay sida wanagsan ugu soo dhaweysay.

Related posts

DEG DEG Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamay Galkacyo

admin

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Maanta ka cusub Maamulka Jubbaland Iyo Sidoo Kale Golihiisa Wasiiradda Cusub????

Tifaftiraha K24

Ciidamada Jubbaland iyo Kenya Oo Howlgallo ka wada Gobolka Jubbada Hoose.

Ahmed sudani