Animation

Daawo: Fadlan Caawi Dhibane Soomaliyeed oo la Xanuunsaneysa Cudur Dalka Gudahiisa Wax looga qaban waayay

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 4:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Sahro Xundubey Jiilaal waxa ay qabtaa Cudrka (Fung) oo ay soomaalida dhahaan   (cudrka juudaanka) waana mid leh astaamo ay kamid yihiin jir go’  waxaana meelo kamid ah is badalay jirkeeda  sida Allah u abuuray iyadoo lugaha iyo gacmaha ay yihiin meelaha muuqdo ee sida ba’an u  go’go’an jirkeeda sida aad ka arakto.

Xarumo caafimaad oo ay kamid yihiin:- ( fiqi, Masaarida, Caagane’ bushkuleeti’ bashaal, Buurane, iyo Digfeer) oo ugu dmbeyn sheegay in dalka aan  waxba looga qaban Karin.

Ruqiyo Xunduby Jiilaal waxa ay la dhalatay dhibanahan xanuunsan Sahro Xundubey Jiilaal  oo ay heysaa wax ka badan 5-sano waxa ay kala daashay sida ay sheegtay xarumo caafimaat oo dalka ku yaalo waxa ayna codsaneysaa in la caawiyo ( waan kala quustay in dalka wax looga qabto sida aad arkeysaan waxaan  geeyay meel kasta si’ay uhesho walashey  caafimaat balse waxa ay ii sheegan dhaqaatiirta in dalka aan waxba looga qaban Karin  anna wax ma heysto ee waxa aan ka codsaana dadka Soomaaliyeed, Dowladda iyo Hey’adaha deeq bixiyayaasha ah inay igu caawiyaan in walaashey  loo helo caafimaat dibadda ah sida India Masar iyo Abu-dabai,”) ayey tiri.

Haddaba  qofkii caawin karo dhibanahan ku nool qeybo kamid ah degmada Waabari ee Gobalka Banaadir waxa ay codsanayaan qoyskeeda walasheyd Ruqiyo Xundubey Jiilaal  inay ku soo hagaajiyaan fariimahooda caawimaad telaafanada kala ah #Tel: +252615038918 / +252615852873.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Dhibanaha Xanuunsan

vlcsnap-2016-10-12-14h17m55s030vlcsnap-2016-10-12-14h18m57s811vlcsnap-2016-10-12-14h19m42s500vlcsnap-2016-10-12-14h20m04s658vlcsnap-2016-10-12-14h20m42s887vlcsnap-2016-10-12-14h21m35s486vlcsnap-2016-10-12-14h22m23s974vlcsnap-2016-10-12-14h23m19s578vlcsnap-2016-10-12-14h23m33s842vlcsnap-2016-10-12-14h23m53s993vlcsnap-2016-10-12-14h24m54s362vlcsnap-2016-10-12-14h25m09s942vlcsnap-2016-10-12-14h25m26s598

Facebook Comments