Animation

Daawo: Dowladii ugu horeysay oo ka soo jawaabtay baaqa madaxweyne farmaajo iyo diyaarad gar-gaar sida oo…

no responses
Thursday February 16, 2017 - 2:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Kuweyt ayaa Diyaarad Shixnad  Gargaar Raashin iyo Dawo ah sida
usoo dirtay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen .

Dayaaraddii ugu horreysay ee Gargaar Raashin iyo Daawooyin ah u sida
dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu ku dhufteen ayaa kasoo ambabaxday
dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait Ambasador Cabdulqaadir Amiin
Sheekh oo saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha, waxa uu mahad
ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga aan walaalaha
nahay ee Dalka Kuwait sida ay uga jawaabe baaqii Safaaradda
Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kuwait oo horey u gaarsiisay Madaxda
Kuwait in Malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul
baaxad weyn sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar deg
deg ah.

Dr. Hilal Al-Saayir- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Dalka
Kuwait ayaa isna ka hadlay sida ay dowladda Kuweyt u garab taagan
tahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shegay iney sii wadi doonaan
gacansiinta shacabka Soomaaliyeed.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa diyaarado kale oo
shixnado gargaar sida iney kasoo ambabaxaan dalkaasi Kuwayt, kuwaasoo
loogu gurmanayo dadka ay abuuruhu saameeyeen ee ku nool gobollada
dalka.

Halkaan ka daawo sawirrada