Animation

Daawo: Dowladda sweden oo ku dhawaaqday in ay aqoonsan doonto baasaboorka soomalia balse sheegtay in ay….

no responses
Saturday May 20, 2017 - 11:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Safiirka dalka Swedan u fadhiya Soomaliya Mikael Lindvall iyo Agaasimaha guud ee HSJ G/Sare Moxamed Adam Koofi ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimood ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ, waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaliga ah.

Facebook Comments