Daawo: Dowladda oo Baahisay Sawirrada Dhalinyaradii Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

0

Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada amniga caasimadda ee Magacooda loo Yaqaan ( SAMA) ay maanta barqadii suuqa bakaaraha ku toogteen laba dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen laba kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab isagoona sheegay in waqtigii la dilaayay dhalinyaradaas ay falal amni darro ah gacmaha kula jireen sidaasna ay ku toogteen ciidamada ammaanka.

Dowladdu waxa ay sameysay ciidamada amniga caasimadda oo isugu jira dhar cad iyo ciidan darees wata waxaana ay ka howlgalaan caasimadda muqdisho iyo magaallooyinka ku dhaw dhaw muqdisho.