Animation

Daawo: Dowladda mareykanka oo taliska booliska soomalia ugu deeqay drone ay uga hortagi karaan qaraxyada iyo…..

no responses
Friday May 26, 2017 - 3:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda.

Taliska ciidanka booliska soomalia ayaa si diiran usoo dhaweeyay diyaaraddahan droneka ah oo dowladda mareykanka ay ku wareejisay booliska soomalia .