Animation

Daawo: Dowladda kenya oo jubbaland ku wareejisay 47 ruux oo maxaabiis ah, kuwaasi oo….

no responses
Saturday May 6, 2017 - 2:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dowladda Kenya ayaa Maamulka Jubbaland, waxa ay ku wareejiyeen 47 ruux oo maxaabiis ah, kuwaasi oo isugu jira caruur iyo Haween.

Taliyaha ciidamada Dhoobley Haybe Axmed C/laahi ayaa la wareegay dadkaan oo ciidamada Kenya ay gacanta ku soo dhigeen, xilli ay doonayeen inay si sharcidaro ah ku galaan dalka Kenya.

Waxaa la sheegay dadkaan in laga soo qabtay iyaga oo lagu wado gaari Kunteenar ah, oo qaarkood ay ku dhex suuxeen dadkaan, islamarkaana ciidamada Booliska ay soo qabteen.

Maxkamada Gaarisa ayaa la geeyay oo qaarkood lacag ayaa lagu xukumay, kadib markii ay bixiyeena, waxaa suuragashay in Jubbaland lagu wareejiyo.

Taliyaha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Degmada Dhoobley, ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinaayo ciidamada Kenya ee dadkaan ku soo wareejiyay.

“Dadkaan waxaa haystay dad ka daran magafe, waxaa lagu hayey meel Kunteenar ah, waxaan helnay xogtaasi, dowladda Kenya ayaan xiriir la sameennay, waxaana suurtagashay iney soo badbaadiyan dadkaan oo la doonayey in laga ganacsado.” ayuu yiri Taliyaha.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

Facebook Comments