Daawo: Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo heshiis ka gaaray Cabashadii ay qabeen Ganacsatada G.Banaadir

0

Dowladda federaalka soomalia iyo maamul goboleedyada ayaa maanta isku raacay in la mideeyo Canshuurta Gadista ( SALES TAX ) taasi oo meesha ka saareysa cabashadii ay qabeen ganacsatada gobolka banaadir.

Kadib shir aan caadi aheyn oo maanta ay muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda federaalka iyo wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada ayey isku raaceen in gabi ahaan la mideeyo canshuurta gadista ee laga qaadaayo ganacsatada dowlad goboleedyada iyo kuwa gobolka banaadir.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faah faahiyay go’aanadii ka soo baxay shirkooda.

“Ajandaha maanta waxaa uu ahaa in aan isla garanno wixii inooga hirgalay heshiisyadii hore,gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda Dalka oo mas’uuliyadeyna ah, hanoqoto Gobolka Banaadir ama Gobolada kale ee xubinta ka ah Federaalka,waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha  qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista,waxaa kaloo aan islagaranay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay  anaguna raacsanahay,waxaaan leenahay Budget oo Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysan”.Ayuu yiri Wasiir Beyle.