DAAWO: Dowlada Somaliya Oo Qorshaysay Shidaal Laga Soo Saaro Somaliya

0

Shir Ay Yeeshen Masuuliyiinta Wasaarada Potrolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed Iyo Masuuliyiin Ka Socday Wadanka Norwey Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho Caasimada Somaliya.

 

Waxaana Goobjoog Ahaa Wasiirka Wasaarada Patrolka Iyo Macdanta Cabdirashiid maxamed Axmed Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada  Maxamuud Cabduqaadir Hilaal Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Karar Shukri Dhoomey Iyo Masuuliyiintii Ka Socotay Dalka Norway Waxaana Ay Sheekeen Masuuloyiinta Dalka Norway In Wasaarsada Kala Shaqayn Doonaan Qorsha Wax Soo Saarka Shidaalka Ee Ay Wado Wasaarada.

Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Potrolka Iyo Macdanta Cabdulqaadir Maxmuud Hilaal Ayaa Sheegay In Wasaaradu Ka Gudubtay Qorshihii Aas Aasiga U Ahaa Wasaarada Ayna U Gudubtay Qorshaha Wax Soo Saarka Saliida Iyo Qorshaynta Ayna Somaliya Haatan LA Mid Tahay Wadamada Qaarada Africa Ee Shidaalka Laga Soo Saarayo Ayna Ka Mid Yihiin Gana Kenya Iyo Kuwo Kale.

Wasiir Hilaal Ayaa Sheegay In Ka Go’antahay In Ay Shacabka Soomaaliyeed Uga Faa’iideeyaan Kheyraadka Ka Buuxa Dalka.

Shirkii Lagu Qabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Ku Meel Gaarka Ah Ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed  Ayaa Lagu Saxiixay Hab Qaybsiga Qayraadka Dalka Waxaana Shirkaas Lagu Go’doomiyay Ay Wasaaradu Masuul Ka Tahay Ruqsadaha La Siinayo Shirkadaha Shisheeye Ee Dalka Shidaalka Ka Soo Saaraya.

 

Halkaan Riix Si Aad U Daawato Muuqaalka Wasiirk Ku Xigeenka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal