Animation

Daawo: Dowlada Masar oo Muqdisho uga Dhawaaqday Go’aan ay aad ugu Riyaaqeen Waalidiinta iyo Dhalinyarada Soomaliyeed

no responses
Wednesday November 23, 2016 - 5:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Masar ayaa si loo horumariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in ay Muqdisho  ka hirgelin doonto Iskuulaad Waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasoo isugu jira Hoose iyo dhexe kaddib kulan Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Macallimiin Masaari ah oo loogu tala galay in Iskuulaadkasi ay Masar ka hir gelineyso Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyagu maamulayaan, macallimiinta wax ka dhigeysana iyaga yihiin.

Soddon sano kaddib ayay Dowladda Masar dib u billaabeysaa Iskuuladii Waxbarasho oo ay kaga qeyb qaadaneysay horumarinta waxbarashada Soomaaliya,waxaana iskuulaadkaan maaddooyinka lagu dhigayo ay ku saleysanaan doonaan  Manhajka Waxbarasho  ee Dalka Masar, marka laga reebo maadooyinka Taariikhda iyo Juquraafiga oo Soomaaliya lagu saleyn doono si ay ardayda wax badan uga ogaadaan Taariikhda dalkooda.

Qunsulka ayaa sheegay in inta dowlada Masar ay ka hir gelineyso iskuulaadkaasi si KMG ah loogu shaqeyn doono iskuulada kala ah 15-ka May iyo Sheekh Xasan Barsame.

Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya Taamir Safwat oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa u mahad celiyay Macallimiintan Masaarida ah kuwaasoo Soomaaliya u yimid in ay wax baraan caruurta Soomaaliyeed.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale  dalkeeda  ku sugan Arday soomaaliyeed oo halkaasi wax ka barta kuwaasoo qaarkood Deeq Waxbarasho ka helay dalkaasi.

15107212_590827617792449_3855307073034160922_n 15109521_590827497792461_7786875143079432884_n 15171172_590827631125781_1010367743565228532_n 15178147_590827911125753_308027477912212396_n 15181690_590827751125769_3982521370122976307_n 15193435_590827621125782_2284350488629756281_n 15219460_590827504459127_4080820210435742081_n mu-640x360