Animation

Daawo: Diyaarad milatari oo dowladda masar ay leedahaay oo maanta muqdisho kasoo dagtay maxayse waday???

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 3:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Garoonka diyaaraddaha magaalada muqdisho waxaa maanta ka soo dagtay diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka masar taasi oo ay saaranyihiin gargaar noocyo kala duwan ah.

Diyaaraddaan oo ay dowladda masar usoo dirtay soomalia ayaa waxaa saarnaay raashin iyo daawo loogu tala galay in lagu samatabixiyo dadka ay abaarta saameysay ee soomalia ku nool.

Deeqdaan isugu jirta raashinka iyo daawada ayaa waxaa lagu wareejiyay guddiga gurmadka qaran ee abaaraha iyo dowladda federaalja .

Munaasabad kooban oo deeqdaan lagu wareejinaayay waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho taabit cabdi maxamad iyo mas’uuliyiinta guddiga gurmadka qaran ee abaaraha.

Safiirka masar ee Soomaaliya, Mowliid Maxamed oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladdooda ay badin doonto gurmadka abaaraha, wuxuuna sheegay in Todobaad gudahiisa ay sidan oo kale u keeni doonaan raashiin gargaar ah.

Geesta kale wasiirka caafimaadka xukuumadda soomalia Drs Fowsiya Abukar oo goob joog ka aheyd munaasabbada deeqdaan lagu guddoonsiiyay dowladda federaalka ayaa ugu mahad celisay dowladda masar deeqdaan ay soo gaarsiisay walaalahooda soomaliyeed.