Animation

Daawo: Dibad-bixii Balaarnaay ee Maanta ka Dhacay Magaalada Cadaado ee Xarunta Galmudug

no responses
Monday September 26, 2016 - 3:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Banaanbax ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, loogana soo horjeeday tacadiyada Xabsiyada ku haysta dhallinyarada Soomaaliyeed ee daafaha Caalamka ku xirxiran ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguddud

Banaanbaxayaasha oo ay ka mid ahayeen Ehelada dhalinyarada ku xiran Wadanka Hindiya ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay ahaayeen Kaluumaysato, iyagoo sheegay in dayac iyo darxumo ay Xabsiyada ku haysato muddo dheer.

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada Galmudug Caruuse Macalin Axmed ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in dhalinyaradaasi ay xabsiyada Dalka hindiya isaga jiraan muddo 5-sano ah, iyada oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee ku xiran Wadanka Hindiya ayaa gaaraya 119-Ruux, kuwaasi oo badankood hal waqti ay Maraakiibta hindidu ka qabteen Badda Soomaaliya 2011-kii, tan iyo waqtigaasna Maxkamad lama soo taagin.

bur2 bur3 bur4 bur5 bur-640x360 bur1