Animation

Daawo: Dhalinyaro Soomaliyeed oo looga shakiyay in Daacish ay ku Biiri Rabeen oo Xukun ay ku Riday Maxkamad ku taala Wadanka…..

2 responses
Tuesday November 15, 2016 - 9:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

-Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka ayaa xukunno kala duwan ku ridday Saddex Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu eedeeyay ina la shaqaynayeen Ururka Daacish.

Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Minnesota, Micheal J Davis oo dhageysanayay doodda dhex mareysay dacwad oogayaasha Maxkamadda iyo Qareenada u doodayay Wiilashan ayaa  gaaray xukunka kama dambaysta ah.

C/llaahi Yuusuf oo 20 jir ah, C/risaaq Warsame oo 21 jir ah ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, si looga qafiifiyo dembiga lagu soo eedeeyay, waxayna ballan-qaadeen inay Dowladda la shaqeynayaan kuna marqaati furayaa Dhallinyarada kale ee iyana loo haysto ku lug lahaanshaha Daacish.

Balse Zakariye C/raxmaan oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu Gacan saar la lahaa ISIS, wuxuuna diiday inuu ku marqaati furo Ragga kale ee iyana loo haysto isla dambigan oo kale.

Garsooraha ayaa ku xukumay C/llaahi Yuusuf, Hal Sano oo Xabsi ah,waxaan kor lagala socon doonaa dhaqaaqiisa muddo 20-Sano ah, halka C/risaaq Warsame lagu xukumay Labo Sano iyo bar, waxaana laga jari doonaa 11 Bilood oo uu xabsiga ku jiray, isagoo muddo 20-Sano kor laga ogaan doono.

Waxaa isna 10-Sano oo Xabsi ah lagu xukumay Zakariye C/raxmaan, wuxuuna Garsooruhu ka qafiifiyay soo jeedintii dacwad oogayaasha oo ahayd in 15 Sano lagu xukumo.

Saddexdan dhalinyarada ah, ayaa ka mid ahaa 9 Nin oo bartamihii Sanadkan la soo taagay Maxkamad, iyagoo lagu helay dambi ah ku Lug lahaanshaha Daacish iyagoo qorsheynayay inay ku biiraan Ururkaasi ISIS ee uu fadhigeedu yahay Dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa inay xukun ku riday 6-da kale ee Soomaalida ah, kuwaasoo iyana loo heysto dambi ah inay taageero u fidiyeen Ururka Daacish, ayna qorsheynayeen inay ku biiraan oo ay kasoo dagaallamaan Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

xabsi xabsi1 xabsi2