Animation

DAAWO: Dhagax Dhiga Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya & R/Wasaaraha oo kahadlay

no responses
Sunday November 8, 2015 - 8:49 under Breaking News by admin
mqdefault

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dhagax dhigay dhismaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana ka qeyb galay dhagax dhiga safaarada masuuliyiin dowlada ka tirsan.

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ku sugnaa dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana kamid ah wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  madoobe ayaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay dhagax dhiga dhismaha safaarada Soomaaaliya ee dalka Kenya.