Animation

Daawo: Dhacdo xanuun badan wiil yar oo xalay ay qeybo kamid ah muqdisho ay ku cuneen bahallo kadib markii,…..

no responses
Saturday August 5, 2017 - 12:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaafadda towfiiq ee dagmada yaaqshiid qeybo kamid ah waxaa xalay lagu arkay dhacdo murugo badan oo aad u xanuun badan.

Dhacdadaan ayaa waxa ay aheyd  ka gadaal markii xaafaddaasi lagu arkay canug saqiir ah oo wadada lasoo dhigay.

Canuga yar ayaa waxaa lasoo dhex galiyay bac sida dadka xaafadda ay warbaahinta u sheegeen waxaana oogada jirkiisa ka muuqatay dab waxaana dadkii nala hadlay ay inoo sheegeen in canuga lasoo gubay ka hor inta aan wadada lasoo dhigin.

Canuga oo xili habeen saq dhexe ah lasoo dhigay laamiga ayaa waxaa halkaasi ku cunay eeyo baahan oo xaafada jooga waxaana saakay la arkay meydka canuga yar oo jirkiisa qeybo kamid ah ay bahalada cuneen.

Lama oga ilaa iyo hadda cida sidaan u gashay canugaan yar ha yeeshee dadka xaafadda ayaa arintaan ka muujiyay argagax xoogan waxaana ay dalbadeen in la baadi goobo dadka canuga yar ee saqiirka ah sidaan u galay.

Qaar kamid ah dadka xaafadda ayaa warbaahinta gudaha uga waramay waxii ay saakay xaafadda ku arkeen.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

 

Sawirrada halkaan ka daawo