Animation

Daawo: Danjire Keating oo si aan Horay loogu arag Ula hadlay Madaxweynaha Galmudug iyo Ku Xigeenkiisa Muxuuse ugu baaqay????

no responses
Saturday November 26, 2016 - 3:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Keating iyo Taliayaha Ciidamada Amisom.

Madaxweynaha ayaa Wafdigaan waxa uu ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado waxaana Kulanka uu ahaa Mid Xasaasi ah.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Xaashi Carabey ayaa goob joog ka ahaa Kulankaa waxaa sido kale kulanka qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga afrika ee soomaliya Ambassador Francisco Madeira.

Kulanka Intiisa badan waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Xaalafda Amaanka Goobaha doorashooyinka ay ka socdaan.

Warar Hoose oo Kulankaan aan ka helnay ayaa Waxa ay sheegayan in Kulanka xoogiisa looga Hadlay sidii loo xalin lahaa Cabashooyin ka soo yeeray Beelaha qaar ee Doorashada Aqalka Hoose ku aadan waxaana sidoo kale Ergayga uu Madaxweynaha Kala hadlay joojinta Musuqa la xiriira Arimaha doorashooyinka Kuraasta Aqalka Hoose.

Keating wuxuu sheegay in ay aad uga war haayan Xubnaha Musuqa iyo ku tagrifalka ka dhex wada doorashada kuraasta wuxuuna ku goodiyay in Xubnahaas ay wax badan ka qaban doonan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka 

10-3-640x360 11-1-640x480 13-640x360 14-640x360 15-640x360 16-640x360 17-640x360