Animation

Daawo: Danjiraha Soomaliya u jooga Dalka Mareykanka oo Booqday Magaalada…..

one response
Friday October 14, 2016 - 1:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Norway ee isna fadhigiisa yahay Magaalada Washinton Kare Ass ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota halkaasi oo ay kula kulmeen jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

Ugu horey waxay booqashadooda ka bilaabeen Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota halkaasi oo uu ku soo dhaweeyey Cismaan Maxamed Cali oo ah aas’aasaha iyo Gudoomiyaha Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee madxafka uu leeyahay, isla markaana waxaa la tusay waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

intaasi kaddib ayaa waxaa ay booqdeen Suuqa Soomaalida ee Karmel Mall ee Magaalada Minneapolis halkaasi oo ganacsiyo kala duwan ay ku leeyihiin inta badan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ujeedada booqashadooda ay tahay sidii ay ula socon lahaayeen xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Sidon kale Safiirka Norway u fadhiisa Maraykanka ayaa booqasho ku imid Minneapolis si ay u  aragto dadka reer Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda Norway laguna qiyaaso 13%,

“waxaan isla soconaa safiir Axmed. Sidaasi oo kale, Waxaan rabaa in aan wax agaado Soomaalida reer Minnesota sida ay u nool yihiin, horumaka ay sameeyeen dhanka shaqada, waxbarashadda iyo is-dhexgalka iyo sida ay uga mid noqdeen bulshada Maraykanka. Norway waxaa ku nool ilaa iyo 40 tan kun Soomaali ah waxaan doonnaynaa in Soomaalida reer Minnesota wax ka barano. ayey tiri Danjiraha Norwey ee Mareykanka Kare Ass.

min1 min2 min3 min4 min5