Daawo: Dalxiisayaasha Caalamka oo Indhahooda lagu soo jeediyay Muqdisho ( Maxaa loo diyaariyay?)

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xeebta Keysaney ee degmada Kaaraan ku daah-furay Olalaha Dalxiiska Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeynayo dib u soo nooleynta dalxiiska, maadaama Caasimaddu ay caan ku ahayd goobo si weyn loogu soo dalxiis tagi jiray.

Olalahan oo ay ka shaqeynayso Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga Gobolka, ayaa inta uu socdo waxaa lagu qaban doonaa 17-ka degmo ee Gobolba Banaadir bandhiyo ku saabsan dhaqanka iyo dhiirri gelinta dalxiiska.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Goobaha Dalxiiska loo diyaarinaayo