Somali News Top News

DAAWO: Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe oo Deeqdii ugu Horeeyay Gaarsiiyay dadkii uu saameeyay Fatahaada uu wabiga Shabeele ka sameeyay Tuulada Bayxoow oo Hoostaga Magaalada Jowhar.

Gargaarkii ugu Horeeyay ayaa maamulka Gobolka Shabelaha dhexe waxa uu gaarsiiyay  dadkii uu saameeyay Fataahad uu wabiga Shabeele ka sameeyay Tuulada Bayxoow oo Hoostaga Magaalada Jowhar.

Abdhir Caddow Hiraabe Gudoomiye Ku xigeen Amniga iyo siyaasad Jowhar ayaa tilmaamay in gargaarkan uu muhiim u yahay dadkii uu dhibaatada u geestay Fatahaada wabiga Shabeele ee Tuulada Bayxaaaw.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeleah Dhexe Cali Cabdulaahi Guudlaawe ayaa sheegay in Gargaarkan oo ka yimid Hay’ad islaami ah la gaarsiin doono Dagmadda Mahaday oo sidaas oo kale uu ku fatahaya Wabiga .

“waxaan u Mahad Celinaya Hay’adda Islamic Relief Inter National Oo gargaarkan na soo Gaarsiiyay Waa kii ugu Horeeyay dadkan waa dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga ee Tuulada Bayaxaaw kaliyana Maahee Wabigu waxa uu ku fatahay Tuulooyin hoostaga Dagmooyinka Mahaday iyo Balcad.” sidaasi waa yiri gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa intaa ku daray indadka ay fathaadu sameeyeen aanay ku filneen gargaarka la soo gaarsiiyay.

Gargaarka hor dhaca ah aya sidoo kale waxa lagu wadaa in gaarsiiyo deegaano kale oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah waxaana uu ku soo beegmaya xili deegaanada qaar dadkii dagana ay ka barakaceen markii uu ku fatahay wabga Shabeele ee Gobolkan Mara.

vlcsnap-2016-05-27-16h59m05s30

vlcsnap-2016-05-27-16h59m24s226

vlcsnap-2016-05-27-16h59m38s86

vlcsnap-2016-05-27-16h59m48s186

vlcsnap-2016-05-27-17h00m18s235

vlcsnap-2016-05-27-17h03m08s163

Related posts

TOP NEWS:- Maxadan Ogeyn oo Caawa Ka Cusub Magaalada Kismaayo

Tifaftiraha K24

Deg-deg: Puntland oo TV-ga Dowladda Soomaaliya ee SNTV xirtey.

admin

Dalladda guud ee Ururada Dhaliyarad Puntland (PYAN) oo si rasmi ah ugu soobiiray PEDAN

Tifaftiraha K24