Animation

Daawo: Dadkii ku dhintay weerarkii pizza house waxaa kamid ah seddex gabadh oo isla dhalatay iyo meydad horleh oo la helay

no responses
Thursday June 15, 2017 - 10:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay weerarkii alshabaab xalay ku qaadeen maqaayada pizza house ee dagmada hodan.

Meydad horleh ayaa waxaa laga soo saaray dhismaha maqaayada markii saakay uu soo gaba gaboobay howlgal qaatay mudo dhowr iyo toban saac ah.

Tirada ilaa iyo hada la xaqiijiyay ee ku dhimatay maqaayada waa 25 ruux oo ay ku jiraan kooxdii weerarka soo qaaday.

Dadka dhintay ee saakay meydkooda laga soo saaray maqaayada ayaa waxaa kamid ah 3 gabdho oo walaalo ah iyo mid kaloo dhaawacantay gabdhaha oo afar wada dhashay ahaa ayaa waxaa dhimatay seddex gabadh halka gabadha kalana iyadoo dhaawac ah saakay laga soo qaaday maqaayada.

Gabdhahaan isla dhasha ee maqaayada ku dhintay ayaa meydkooda waxaa laga soo saaray qol yar oo maqaayada kamid ah waxaana ay u muuqatay in toogasho lagu dilay.

Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Axmed Sayid Carab oo Warbaahinta kula hadlay Dhismaha Maqaayada Pizza House ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay halkaasi ay ka dambeeyeen lix nin oo katirsan Al Shabaab oo mid kamid ah is qarxiyay.

Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.