Animation

Daawo: Dabaal dagii ugu weynaay oo maanta muqdisho ka dhacay boqolaal kun oo askar, shacab iyo saraakiil isugu jirta oo ka qeyb galay

no responses
Thursday February 9, 2017 - 1:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho waxaan tan iyo xalay ka socday dibad-baxyo waaweyn oo lagu taageeraayo madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya maxamad c/llahi farmaajo.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda muqdisho.

Dadkaan ayaa ku qeylo dhaaminaayay erayo ay ku muujinayan shucuurtooda ku aadan guusha madaxweyne farmajo iyo in shacabka soomaliyeed ay heleen hogaamiyihii ay mudada dheer ku riyoon jireen.

Ciidamada xooga dalka ayaa ka qeyb qaadanayay dibad-baxyadaan iyadoo ay xusid mudantahay in gaadiidka dagaal ee ciidamada dowlada lagu daad gureynaayay shacabka dibad-baxa ka qeyb qaadanayay.

Rasaas xoogan ayaa magaalada ka socoto taasi oo ciidanka ay ugu dabaal dagayan madaxweyne  farmaajo.

Banaanbaxyo kale ayaa ka dhacay magaalooyinka dalka qaarkood kuwaasi oo iyana lagu taageerayay madaxweyne farmaajo.

Halkaan ka daawo sawirrada banaanbaxa