Animation

Daawo: Madaxweyne farmaajo oo hada kulan albaabada u xiranyihiin afgooye kula qaadanaya …..

no responses
Monday May 8, 2017 - 11:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne farmaajo oo sakaay safar dhanka dhulka ah ku tagay dagmada afgooye ayaa hada waxa uu kulamo la leeyahay odayaasha,waxgaradka iyo qeybaha bulshada dagmada afgooye.

Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehlinaayo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan iyo wasiirka gaashaandhigga soomalia ,saraakiisha ciidamada booliska,milatariga iyo nabad sugidda iyo weliba xildhibaabo baarlamanka ka tirsan.

Kulanka ayaa ah mid albaabada u xiranyihiin waxaana saxaafadda lagu wargaliyay in aysan kulanka goob joog ka ahaan karin lamana oga waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadlaayo odayaasha,waxgaradka iyo qeybaha bulshada rayidka ee dagmada afgooye.

Ammaanka dagmada afgooye ayaa aad loo adkeeyay waxaa sidoo kale maanta xiran wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye oo aaney wax dhaq dhaqaaq ah ka socon.